Hadal jeedinta musharaxiinta madaxweynanimo iyo ku xigeenadooda oo Dhuusamareeb ka socota

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug waxaa ka socdo dhageysiga Khudbadaha musharixiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Galmudug iyo ku xigeenkiisa.
Xildhibaannada Galmudug ayaa dhageysanaya khudbadaha musharixiinta oo gaaraya ilaa 9 musharax,iyada oo la filayo in berri la qabto doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo ku xigeenkiisa.
Magacyada Musharaxiinta madaxweynanimo ee dowlad goboleedka Galmudug ee khudbadaha jeedinaya ayaa kala ah
1: Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor)
2: Cabdiraxman Axmed Sabriye
3: Axmed Shire Maxamed (falagle)
4:Axmed Cabdullaahi Samater
Musharaxiinta madaxweyne ku xigeenka ayaa kala ah
1: Cali Daahir Ciid
2: Axmed Yuusuf Warsame (Taajir)
3: Saadaq Cabdullaahi Xaashi
4: Maxamed Xaashi Cabdi (Carabeey)
5: Cabdi Qani Sheekh Cali Diini.
Waxay tani ku soo aadaysa iyadoo dhanka kale Afarta Musharax ee horey u diidey inay iska diiwaangeliyaan Guddiga doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Galmudug ay soo saareen baaq la xiriira doorashada Galmudug.
Afarta Musharax oo kala ah C/raxman Odawaa,Kamaal Guutaale,Cabdi Dheere iyo Cabdullaahi Wehliye ayaa qoraal ay soo saareen waxaa ay ku dalbadeen in muddo 15 Cisho ah la joojiyo howlaha doorashooyinka ee ka socda Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo ee Gobolada Mudug iyo Galgaduud.
Qoraalkooda waxaa ay ku sheegeen in saamileyda Siyaasadeed ee Galmudug ay shir deg deg ah isugu yimaadaan si loo dhameeyo khilaafka Siyaasadeed ee ka jira doorashada Galmudug si loo dhiso Galmudug mideysan.
Waxaa ay ku baaqeen in la tixgeliyo codsiyada saamileyda Siyaasadeed ee Galmudug iyo Beesha Caalamka,iyaga oo baaq u direy Madaxda Dowladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here