Hadala ka soo yeeray qaar kamid ah xildhibaanada Jubilee oo siyaabo kala duwan dalka looga hadalyaao

Xoghaya dhanka maamulka u qaabilsan wasaarada adeega dadweynaha iyo jinsiyadaha Rachel Shebesh iyo wakiilka haweenka ismaamulka Kericho Florence Bore ayaa meel fagaare ah isku maan dhafsadeem siyaadad u dhaxeyso madaxweunaha iyo ku xigeenkiisa.
Ms Shebesh and Ms Bore ayaa kala taageersan madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa madaama labadaba ay ka tirsanyihiin xisbiga Jubilee.
Ms Shebesh ayaa sheegtay in madaxweynaha inuusan ku faraxsaneen aflagaada ay u geysteen xildhibaanada kala ah Johana Ngeno iyo Oscar Sudi, iyadoona intaa ku dartay ijn ay aad uga xunyihiin aysana fududeysan doonin arrintan.
Waxay ku baaqaday in hoggamiyaasha looga baahanyahay in joojiyaan aflagaadada, sidoo kalena aysan aflagaado u geysanin madaxweyne Kenyatta.
Waxay intaa ku daraytay hadii aflagaadan ay sii socoto ay sababi karto inay soo afjarmato xirrirka siyaasadeed eek a dhaxeeyay qowmiyadaha daga Mount Kenya iyo Rift Valley.
Dhankeeda Ms Bore ayaa weerar afka ah ku qaaday Ms Shebesh iyadoona sheegtay inay ku guul dareystay in ka hadasho aflagaado horey loogu geystay madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto oo ay u geysteen siyaasiyiin ka soo joodeo bartanaha dalka.
Ms Bore ayaa sheegatay inaysan aqbaleynin in hal dhinac loo hadlo marwalba.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here