Hal milyan oo Kenyaan danyar ah oo ka faa’iidaysanaya caymis caafimaad

Dowladda dhexe ayaa ku guda jirto geedisocodka lagu daahfurayo barmaamij ilaa hal milyan oo qof oo danyar ah ay kaga faa’iidaysanayaan caymis caafimaad.
Waxaa qorshahan la fulinayaa iyadoo la adeegsanaya sanduuqa caymiska qaran ee caafimaadka (NHIF).
20,000 oo qof oo ku nool ismaamulka Nyeri oo ka mid ah dowlad deegaanada lagu tijaabiyay barnaamijka caafimaadka guud ee (UHC) ayaa lagu wadaa inay nidaamkan lagu bartilmaameedsanayo saboolka ka faa’iidaystaan.
Xoghayaha sare ee wasaaradda caafimaadka u qaabilsan dhanka maamulka Dr. Mercy Mwangangi ayaa sheegtay in dowladda dhexe iyo ismaamullada ay ka wada shaqeynayaan sidii qorshahan loogu guulaysan lahaa.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here