Hal qof oo ku dhintay daadad saameeyay gobolka Nyanza

Nin ay da’diisu ahayd 67 sano ayaa lagu soo warramayaa inuu ku dhintay deegaanka Rarieda ee ismaamulka Siaya, gobolka Nyanza kaddib markii uu daad qaaday.
Fatahaadaha oo ay boqolaal qoys ku barakaceen ayaa ka dhashay roobab xooggan oo halkaas ka da’ay.
Ninka dhintay ayaa lagu magacaabi jiray Mr Martin Adongo Miyare wuxuuna ka mid ahaa shacabka tuulada Akele .
Dhacdadan waxaa warbaahinta u xaqiijiyay taliyaha booliska ee deegaan baarlamaneedka Rarieda ,Thomas Ototo.
Mr. Thomas ayaa sheegay in meydka Martin la geeyay goobta meydadka la dhigo ee deegaanka Madiany .
Barakacayaasha oo ay sido kale ku jiraan kuwo ku sugan deegaanka Budalangi ee ismaamulka Busia ayaa dowladda ka codsanaya inay dib u dejin u sameyso.
Waxay sido kale doonayaan in lagu caawiyo daawooyin ay u adeegsan karaan nadaafadda maadaama uu dalka ka jiro cudur saameeyay wadamo badan oo caalamka ka tirsan
Tuulooyinka saameynta ugu badan ay daadadka ka soo gaartay ayaa kala ah Runyu, Rukala, Mau Mau, Mabinju, Rugunga, Lugare, Bulwani, Obaro, Igigo, Siginga iyo Bukoma.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here