Hal qof oo ku dhintay dab ka kacay guri ku yaala deegaanka Massinga ee ismaamulka Machakos

Nin da’adiisu tahay 53 jir ah ayaa geriyooday ka dib markii dab culus uu ka kacay xalay gurigiisa oo ku yaala tuulada Ngomano ee deegaanka Masinga ee hoos tagta ismaamulka Machakos
Maydka ninka ayaa laga soo saaray gurigiisa iyadoona qeyb kamid ah jirkiisa uu gabi ahaanba gubtay
Masuliyiinta iyo dadka deegaankaasi ayaa warbaahinta u sheegay in dabka uu ka dhashay feynuus yar iyadoona agaabkii guriga uyaalay ay wada gubteyn
Guddomiyaha kuxigeenka tuuladaasi Josphat Sikuku ayaa sheegay in dadka daris la ahaa ninka geeriyooday ay arkayeyn ninka oo guriiisa sii galaayo isagoo sakhraansan kadibna uu shitay feynuus
Meydka ninka ayaa loo qaaday halka meydadka la digo
Booliska ayaa haatan baarayo waxa dabta ah ee sababay dabkaasi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here