Hal qof oo ku dhintay dhulgariirka Filibiin

Ilaa iyo hadda hal qof oo canug yar ah ayaa la xaqiijiyay inuu ku dhintay wadanka Filibiin kaddib dhulgariir saameeyay.
Musiibadan ayaa laga soo tabiyay meel u dhow magaaladaf Davao.
Waxaa sido kale burburay dhismooyin dhowr ah halka tiro dad ahna ay dhaawacmeen.
Shirkadda baaritaanada ku sameysa dhulalka ee Maraykanka ee U.S. Geological Survey ayaa cabbiirka dhulgariirka ku sheegtay 6.8.
Bilihii Tobnaad iyo 11-aad ee sannadkan ayay ahayd markii gobolkaasi ay ka dhaceen ilaa 4 dhacdo oo noocan oo kale ah waxaana ku dhintay ugu yaraan 20 qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here