Hal qof oo ku dhintay dibad baxyada ka socda dalka Guinea

Hal qof ayaa ku dhintay dibad baxyo ka socday dalka Guinea kadib isku dhacyo dhex maray ciidamada booliska iyo dadkii dhigayay banaanbaxyadaasi.
Dalka ayaa waxaa hareeray dibad baxyo tan iyo bishii Oktobar ee sannadkii hore kaas oo sabab u ah isbeddal lagu sameeynayo dastuurka.
Mucaaradka wadankaas ayaa sheegaya in isbeddelka lagu sameynayo dastuurka uu sii kordhin doono muddo xileedka madaxweynaha oo ayna madaxweyne Conde oo hadda 81 sano jir ah u fududaan doonto inuu hoggaanka sii hayo 12 sano oo dheeraad ah.
Xukuumadda Guinea ayaa dhankeeda sheegtay in dastuurkan cusub uu xoogga saari doono sinaanta jiinsiyada, isla markaana uu mamnuuci doono gudniinka haweenka iyo guurka gabdhaha da’a yarta ah.
Mr. Conde ayaa dib u dhigay afti qaran oo loo sameyn rabay wax ka bedalka dastuurka taas oo dhici lahayd Axadii la soo dhaafay.
Xasilooni darrada siyaasadeed ee ka jirta dalkaasi Guinea ayaa sababtay in uu hoos u dhaco dhaqaalaha wadankan.
Dibad baxyadan oo ay dowladda ku tilmaamtay mid sharci darro ah ayaa sido kale sabab u noqday in la xiro ganacsiyo badan oo ka jiray dalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here