Hal qof oo ku dhintay dibad baxyo ka dhacay dalka Lebanon

Hal qof ayaa ku dhintay dibad baxyo ka dhacay maanta oo Talaada ah magalada Waqooyiga dalka Lebanon ee Tripoli.
Waxaa sido kale ku dhaawacmay toboneeyo kale kadib markii militiriga dalkaasi ay dibad baxayaasha u adeegsadeen rasaas nool iyo sunta dadka ka ilmeysiisa.
Kumanaan dibad baxayaal ah oo careeysan ayaa wadooyinka xiray guud ahaan dalkaas Lebanoon waxayna weerareen baangiyada maalinkii Isniinta.
Dadkan ayaa ka careysan qiimaha lacagta dalkaasi oo hoos u dhacday waxayna lumiyeen kala bar qiimaha mushaarkooda iyo lacagaha keydka.
Fatima Fouad oo la dhalatay ninka dhintay ayaa sheegtay in walaalkeeda oo lagu magacaabi jiray Fouaz Fouad al-Seman uu u geeriyooday xabad ay ku dhufteen saraakiisha militiriga.
Warbixino kasoo baxay militiriga dalkaasi Lebanon ayaa lagu sheegay in saraakiisha ay adegsadeen xabado balse ay hawada ku rideen.
Wadanka Lebanon ayaa la daalaa dhacaya dhaqaala xumo oo boqolkiiba 50 uu hoos u dhacay pound-ka Labanon lixdii bilood ee lasoo dhaafay.
Saraakiisha caafimaadka ayaa dhankooda sheegay in 4 kamid ah dadka ku dhaawacmay rabshadaha ka dhashay dibad baxyadaasi ay yihiin askarta.
Hay’aada xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa ka digtay in malaayiin qof ay la kulmi karaan macluul hadii dawladda ay soo saarin barnaamij lagu taakuleenayo bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here