Hal qof oo ku dhintay qarax ka dhacay duleedka Muqdisho

Qarax geeystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa uu Maanta ka dhacay degaanka Ceelasha Biyaha oo ku yaalla duleedka Magaalada Muqdisho.
Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa waxaa lala eegtay gaari ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya, kaas oo ka amababaxay Magaalada Muqdisho, warar kala duwan ayaana kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxaas.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxa uu ku geeriyoday hal ruux halka laba qof oo kale ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo isugu jira askar iyo dad shacab ah oo marayay halka uu qaraxa ka dhacay.
Wadada xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ayaa dhowr jeer oo hore waxaa qaraxyo miino ah lagula eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo AMISOM, waxaana ka dhashay khasaaro soo gaaray Ciidamada iyo dad Shacab ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here