Hal qof oo ku dhintay rabshad saaka ka dhacday wadada isku xirta kenol iyo Muranga

Hal qof ayaa lagu soo warramayaa inuu dhintay kaddib markii rabshado ay ka dhaceen wadada xariirisa deegaanka Kenol iyo magaalada Muranga kadib markii koox dhalinyaro ah ay xireen wadada.
Dhacdadaan ayaa timid iyadoo la filayay in madaxweyne ku xigeenka dalka uu munaasabad uga qeyb galo kaniisad ku taala halka ay rabshaduhu ka dhaceen.
Dhowr qof oo kale ayaa dhaawacyo halis ah ka soo gaartay dhacdadan halka hanti badana la burburiyay.
Muuqaal la baahiyay ayaa muujinaya in laba koox oo dhalinyaro ah iska soo horjeeda ay dhagaxaan isku tuurayeen.
Tani ayaa loo malaynayaa inay salka ku heysa arrimo siyaasadeed.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here