Hal qof oo ku dhintay shil ka dhacay Kisii

Hal qof ayaa la xaqiijiyay inuu ku dhintay shil saaka ka dhacay ismaamulka Kisii.
Shilka ayaa yimid kaddib markii ay isku dhaceen baabuur yar iyo mid ka mid ah gawaariga xamuulka qaado xilli ay marayeen suuqa Kenyenya ee dowlad deegaankaasi.
Ninka dhintay ayaa ahaa darawalkii kaxeynayay baabuurka yar waxaana macagiisu lagu sheegay Griffins Ombaso.
Waxaa isla markiiba loola cararay isbitaalka deegaanka Kenyenya halkaasi oo uu ku nafbaxay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dad shacab ah ay isku dayeen inay weeraraan darawalkii looriga hasa ahaate waxaa uu ku cararay saldhigga booliska ee deegaankaasi.
Laamaha ammaanka ayaa sheegaya inay guda galeen baaritaano ku aaddan sababta shilkaasi keentay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here