Hal qof oo lagu dilay toogasho ka dhacday Maraykanka

Toogasho ka dhacday Maraykanka gaar ahaan magaalada Seattle ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan hal qof.
Waxay dhanka kale dhaawacyo soo gaareen ilaa toddobo ruux oo canug yar uu ka mid yahay.
Goobta falkan laga gaystay ayaa caan ku ah arrimaha dalxiiska.
Waa toogashadii saddexaad ee wax ka yar laba maalmood halkaasi laga soo tabiyo.
Booliska ayaa sheegaya inay gacanta ku dhigeen eedeysane dhacdadaas lala xiriirinayo si baaritaano loogu sameeyo.
Warbixin ay dowladda Maraykanka soo saartay ayaa lagu sheegay in sannadkii 2017-kii , qiyaastii 40,000 oo qof ay ku dhinteen gudaha wadankaas kaddib weeraro hub loo adeegsaday oo la gaystay iyo shakhsiyaad naftooda ka takhalusay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here