Hal qof oo lagu karantiilaya Mandera

Barasaabka ismaamulka Mandera Cali Ibraahim Roba ayaa bayaan uu soo saaray kuna soo daabacay bartiisa rasmiga ee Facebook-ga waxaa uu ku sheegay in hal qof oo looga shakiyay caabuqa Coronavirus in hadda baaritaano lagu sameynaya.
Qoraalka Mr. Roba ayaa waxaa ku xusan in qofkan uu laba maalmood ka hor ka safray Nairobi kaddibba uu Mandera tagay.
Waxaa lagu baaray garoonka yar ee diyaaradaha ee Mandera halkaas oo lagu ogaaday in heer kulka jirkiisa uu sarreeya oo uu gaaray 39 degrees.
Taasi ayaa keentay in saraakiisha caafimaadka ay qofkaas geeyaan qeyb gaar ah oo ka mid ah isbitaalka weyn ee Mandera.
Dhacaan laga qaaday ayaa loo soo diray Nairobi oo weli jawaabta la sugaya.
Cali Ibraahim Roba ayaa sheegay in marka laga soo tago qandho ama xummad , howlwadeenada caafimaadka aynan ilaa iyo hadda shaacinin astaan kale oo lala xiriirin karo cudurka COVID-19 oo lagu arkay qofkan.
Guddoomiyaha Mandera ayaa intaas ku daray maadaama aynan dhibaatada jirta fududeysanayn in bukaanka hadda uu meel gaar ah ku sugan yahay xaaladiisana si dhow loola socdo

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here