Hal sarkaal oo ku dhintay dab ka kacay Australia

Wararka naga soo gaaraya dalka Australia ayaa sheegaya in sarkaal ka tirsan ciidamada waaxda dab damiska uu dhintay halka laba kalena ay dhaawacmeen xilli ay isku dayayeen inay damiyaan dab xooggan oo halkaasi ka kacay.
Dabka ayaa saameeyay meel 70 Kiilomitir u jirta bariga degmada Albury.
Waxaa dhanka kale gobolka Victoria laga soo saaray dignino dhan 11 oo la xiriira dabka.
Maadaama dabeylo xooggan ay jiraan waxaa laga cabsi qabaa inay xaaladda sii xumaato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here