Hanti dhowraha guud oo su’aal galinayo hannanka ay waaxda dowalada u qaabilsan xoolaha 11-Bilyan ku lumisay

Waaxda xoolaha ee dalka ayaa ku guul dareysatay in ay meel ku sheegto halkay ku dambaysay lacago gaarayso 11 bilyan oo shilinka dalka ah sida ku cad warbixin uu soo saaray hanti dhowraha guud ee dalka Edward Ouko miisaaniyad sanadeedka 2017/2018-ka.
Waxyaabaha kale ee su’aalaha laga weydiinayo ayaa waxaa kamid ah qaabkii loo isticmaalay lacago la sheegay in ay gaarayaan 56 milyan oo shilinka dalka oo loogu talagalay dhismaha wadooyinka maadama aysan jirin wax dokumenti ah oo cadeyneyso.
Mr Ouko ayaa sido kale su’aal galiyay lacag gaareysa 33 milyan oo dokumentiyadiisa aan la keenin si loo xaqiijiyo. Waxa sido kale ku cad warbixinta hanti dhowraha in babaurtaasi aan loo keenin xaqiijin.
Dhanka kale warbixinta waxaa qeyb ka ah in 35 milyan oo la sheegay in loogu dayactiriyo dhirta iyo qalab, balse qalbakaasi lama arag oo laguma samayn xaqiijin mana jirto wax dukumenti ah oo cadeynaya isitcmaalka lacagtas.
Waxaa sidoo kale qayb ka ah in isticmaalka lacag gareyso 3 bilyan oo shilinka dalka ah oo adeegyo kala duwan lagu soo iibiyay, halka 7 Milyan oo ka mid ah loo adeegsaday safarada dibada , 50 Milyan waxa lagu bixiyay ijaar halka 246-Milyan loo adeegsaday caymis.
Waaxda Xanaada xoolaha ayaa sheegtay in 137 milyan oo shilinka dalka ay ku wareejisay waaxda horumarinta beeraha ee ADC balse waaxdaas ayaa dhankeeda sheegtay inusan shilin soo gaarin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here