Hanti dhowraha cusub ee dalka oo la dhaariyay

Waxaa maanta xilkeeda loo dhaariyay hanti dhowraha cusub ee wadanka Nancy Gathungu kaddib markii xildhibaanada baarlamaanka ay magacabideeda ansaxiyeen.
Xafladda dhaarinta ayaa ka dhacday xarunta maxkamadda ugu sarreysa wadanka ee Supreme Court waxaana dhaariyay madaxa cadaaladda Mr. David Maraga.
Xilkan ay Nancy buuxisay ayaa waxaa bishii sideedaad ee sannadkii hore baneeyay Edward Ouko kaddib markii ay dhammaatay muddo xileedkiisa.
Nancy Gathungu oo jagadan hayn doonto muddo sideed sano ah ayaa sheegtay inay farxad u tahay inay qabato xilka hanti dhowraha guud ee Kenya.
Waxay carrabka ku dhufatay inay ugu horeyn diiradda saari doonto fududeynta culeyska dhanka hanti dhowrka ee jiray ku dhawaad hal sano.
Sido kale waxay ballanqaaday inay qaab wadatashi ah ula shaqeyn doonto waaxyaha kale ee dowladda sida baarlamaanka, garsoorka iyo golaha fulinta.
Mas’uulkii ka horeeyay Edward Ouko ayay ku ammaantay inuu shaqo wanaagsan qabtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here