Hanti dhowraha guud oo warbixin u gudbiyay golaha senetka ee caafimaadka

Maamulka qaabilsan soo iibinta iyo qaybinta agabka caafimaad ee KEMSA ayaa lumisay lacag dhan 2.3 bilyan oo shillinka dalka ah sida ay muujinayso warbixin ay soo saartay hanti dhowraha guud ee Kenya Nancy Gathungu.
Hanti dhowraha guud ee dalka ayaa maanta warbixin hordhac ah u gudbisay guddiga aqalka senate-ka ee dalka u qaabilsan arrimaha caafimaadka waxaa ayna sheegtay in KEMSA ay samaysay xadgudub weyn.
KEMSA ayaa lagu eedeeyay in shirkado aan dhisneyn sanado ay siisay qandaraas taas oo hadda baaritaan lagu samaynayo.
Shirkadaha la siiyay qandaraasyada ayay guddiga aqalka senate-ka ee dalka u qaabilsan arrimaha caafimaadka sheegeen inaysan heysanin sharuudihii looga baahnaa ee ahaa inay keenaan qalab caafimaad.
Xafiiska hanti dhawrka guud wuxuu ugu baaqayaa dowladda inay baaritaan ku samayso hanaanka ay KEMSA wax u soo iibsatay iyo dadka ku lugta leh fadeexadan lagu lunsaday kheyraadka dadweynaha.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here