Hanti dhowraha oo su’aal galinaya 4.2 bilyan oo ka mid ah lacagta biya xireenada Arror

72

Fadeexada biya xirenada Arror iyo Kimwarer ee 21-da Bilyan ayaa dib u soo shaac baxday ka dib markii uu hanti dhowraha su’aal galiyay lacag hormaris ah oo dhan 4.2 Bilyan oo shilinka dalka ah oo loogu talagalay dhisida biya xireenadas.

Hanti Dhowraha Gudd Edward Ouko ayaa su’aal ka weydiinaya lacag dhan 4.2 Bilyan oo ka qeyb ah lacag dhan 4.5 Bilyan oo miisaaniyada dhameystiran,Lacagahaasi oo la siiyaya shirkada CMC di Ravenna iyada oo aan la qaban wax shaqo ah.

Warbixin uu aqalka barlamanka horkeenay ayaa Ouko ku xusay in lacag la baxshay hadana ma cadda cida la siiyay,wakhtiga la bixiyay iyo qofka bixiyay.

Hanti dhowraha ayaa sido kale sheegay inaysan jirin wax qiimayn ah oo lagu sameeyay deeganka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here