Haween lagu xiray Kericho kaddib marki lagu sameyaay gudniinka fircooniga

22 haween ah oo lagu sameeyay gudniinka fircooniga ah ee loo yaqaano (FGM) ee tuulada Kaptele ee deegaanka Bureti ismaamulka Kericho ayaa la xiray.
Haweenkan ayaa haatan ku jira isbitaal iyaga oo ka soo kabanaya dhaawaca loo geystay islamarkaana booliska ay ilaalinayaan kaddib markii la qabtay.
22-ka haween ah ayaa lagu soo qabtay hawlgal ay soo agaasimeen dambi baarayaal ka socda agaasinka waaxda dambi baarista ee DCI-da kaddib xog sir ah oo ay ka heleen xubno ka tirsan dadka deegaanka.
Dhibanayaasha ayaa si kastaba ha ahaatee ku andacoonaya in lagu qasbay gudniinka fircooniga.
Wararka ayaa inta ku daraya in raggi qabay haweenkan ay ka dambeeyeen amarka arrinkan lagu fuliyay islamarkaaana ay hadda baxsad yihiin.
Sarkaalka ugu sarreya kaalkaaliyaasha isbitaalka deegaanka Kapkatet Samwel Cheruiyot ayaa xaqiijiyay in dhamaan 22 haween ah oo ay da’doodu u dhaxeyso 21-34 sano jir ay ahayeen xaasas la qabay.
Waxaa uu xusay in dhamaantood ay xaaladoodu wanaagsan tahay ayna heleen taageero nafsiyan ah.
Haweeney 60 jir ah oo la sheegay inay falkaasi geysatay ayaa haatan ku jirta xabsi iyadoo sugeysa in maxkamad la soo taago.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here