Haweenay lagu eedeeyay dilka Ninkeeda oo doonaysa inay ka qeyb gasho aaskiisa.

Sarah Wairimu Cohen ayaa dacwad u gudbisay maxkamadda iyadoo doonaysa inay maalinta isniinta ah ka qeyb gasho aaskiisa.
Haweenaydan ayaa lagu haya xabsiga iyadoo ku eedeysan inay ka takhalustay ninkeeda oo maalqabeen ah kaasi oo u dhashay wadanka Holland.
Qareenka Sarah wairimu ee Philip Murgor ayaa maxkamadda ka codsaday inay codsigeeda u tixgaliso.
Malainta isniinta ah ayaa la dhagaysan doona dacwadeeda Sarah Wairimu oo donaysa ka qeyb galka aaska ninkeeda.
Sarah Wairimu Cohen oo ku eedeysan dilka ninkeeda ayaa lagu haya xabsiga dumarka ee Langata ka dib markii ay maxkmada amartay in mudo 10 maalmood ah xabsiga lagu hayo si baaritaano dheeraad ah loogu sameeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here