Haweenay maalin ka hor ninkeeda gubay oo dhaawacii soo gaaray u geeriyootay

Haweenay maalmo ka hor ninkeeda dab qabadsiiyay ayaa shalay galinkii dambe ku geeriyootay isbitaalka ismaamulka Nakuru.
Haweenaydan oo lagu magacaabi jiray Lucy Nyira ayaa ah hooyo 3 carrur leh waxaa uu ninkeeda ku gubay gaaska Petroolka ka dib markii ay uu ka xanaaqay inuu guriga timaado waqti dambe oo habeen ah.
Dhaqaatiirta ayaa sheegay in haweeneydaasi uu jirkeeda gubtay boqolkiba 25.
Waxaa ayna six un uga gubatay gacmaha iyo wajiga ugu dambeyntina waxaa ay shalay ku nafbaxday isbitaalka dadweynaha ee Nakuru.
Ninka falka foosha xun kula kacay xaaskiisa oo lagu magacaabo Bernard Kariha ayaa lagu haya saldhiga ciidamada booliska isagoona isku dhiibay booliska markii uu gubay xaaskiisa.
Taliyaha ciidamada booliska bariga Nakuru ee Stephen Matu ayaa sheegay in ninkaasi la hor keeni doono maxkmadda malainta isniinta ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here