Haweeneey lagu eedeeyay dilka ninkeeda oo xabsiga ku jiri doonta

Sarah Wairimu Kamotho ayaa xabsiga lagu sii heyn doona tan iyo 26-ka bishan September oo dacwadeeda dib loo furi doono.
Haweenaydan ayaa loo heysta inay ka dambeysay dilka ninkeeda oo maalqabeen ah kaasi oo u dhashay wadanka Netherland.
Dhawaan ayay ahayd markii ninkaasi oo lagu magacaabo Tob Cohen meydkiisa laga helay gurikiisa oo ku yaala caasimadda dalka ee Nairobi.
Xeer ilaalinta dalka ayaa codsatay in waqti dheeraad ah la siiyo si ay baaritaano ugu sameeyaan dilka maalqabeenka loo gaystay.
Maxkmadda ayaa amartay in warbixin dheeraad ah laga bixin arrintani inta laga soo gabagabeynayo dacwada ka dhanka ah dilka loo gaystay Tob Cohen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here