Haweeney 18 bilood ka hor laga afduubtay Kenya oo dalkeeda ku laabatay

La cooperante Silvia Romano, vestita con una tunica verde, abbracciata dalla madre Francesca Fumagalli al suo arrivo all'aeroporto di Caimpino, Roma. 10 maggio 2020. ANSA / FABIO FRUSTACI

Haweeney dhalasho ahaan ka soo jeedo Talyaaniga laguna magacaabo Silvia Romano oo bishii 11-aad ee sannadkii 2018-kii laga afduubtay ismaamulka Kilifi ee gobolka xeebta ayaa shalay dalkeeda hooyo dib loogu celiyay.
Silvia Romano oo ka mid ah shaqaalaha gargaarka ayaa xuriyadeeda dib u heshay kaddib markii in muddo ah lagu haystay gudaha soomaaliya.
Xilligii la afduubayay waxay u shaqeynaysay hay’adda laga leeyahay Talyaaniga ee Africa Milele.
Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Talyaaniga Luigi Di Maio ayaa xusay in wakaalad sirdoon ay gacan ka gaysatay siidaynta Silvia .
Haweeneydan ayaa warbaahinta dalkaas u sheegtay inaynan marnaba niyad jabin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here