Haweeney 42 jir ah oo dooneysay inuu guursado arday fasalka 8-aad oo lagu xiray Migori

Waxaa ismaamulka Migori lagu xiray haweeney da’deedu lagu sheegay 42 sano jir oo lagu eedeeyay inay ku xadgudubtay arday dhigta fasalka 8-aad.
Haweeneyda oo gurigeeda ku yalla tuulada Nyamaraga ee deegaanka Suna ee ismaamulka Migori ayaa xalay fiidkii lagu arkay wiil 14 sano jir ah.
Guddoomiye ku xigeenka deegaankaasi Evance Nyarube ayaa sheegay inuu warbixin ka helay dadka deegaanka oo aad uga cawday xiriirka haweeneyda ay la leedahay wiilka yar.
Waxaa uu dhanka kale sheegay in walidiinta wiilka ay dhowr jeer uga digeen in labadooda ay yeeshaan xiriir.
Mr. Nyarube ayaa xusay in baaritaano ay sameeyeen ay ku ogaadeen in haweeneyda ay damacsaneeyd inay guursato wiilka aan qaangaarka ahayn.
Waxaa u xusay in faraxumeynta ilmo aan qaangaarin ay tahay dambi islamarkaana haweeneyda laga qaadi doono tallaabo sharciyeed.
Waxaa la filaya in berri la soo taago maxkamad ku talla Migori.
Qofka ku kaca dambi la xiriira faraxumeynta ilmo ay da’doodu u dhexeyso 12 ilaa 15 sano wuxuu mutaysanayaa ciqaab xabsi ah oo aan ka yarayn 20 sano sida ku qeexan xeer dembiyada galmada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here