Haweeney 75 sanno jir ah oo guursatay wiil ay sodoh u ahayd

Waxaa dalka Ruushkaa ka dhacay arrin la yaab leh ka dib markii jacayl uu dhex maray haweeney 75 sano jir ah, iyo wiil ay sodoh u ahayd oo 52 jir ah.
Galina Zhukovskaya, oo 75 jir ah, una dhalatay magaalada St. Petersburg, dalka Ruushka, ayaa guursatay Vyacheslav Zhukovsky, nin 23 sano ka yar laakinse farqiga da’da ee u dhexeeya ma aysan ka dhigin inay kala fogaadaan.
Dhibaatadu ayaa ahayd in Galina ay sodoh u ahayd Vyacheslav kadib markii uu guursaday gabadheeda Elena, oo ay wada joogeen saddex sano.
Lamaanahan ayaa kala jabay wax yar ka dib markii laga siidaayay xabsiga Vyacheslav, oo lagu eedeeyay inuu gogol dhaaf sameeyay.
Vyacheslav, ayaa la aqal galay soddohdiis sanadkii 2010-kii, waxayna wada joogaan ilaa iyo hadda . Laakiin Galina waxay sheegaysaa in gabadheeda ay waligeed ka masayrsaneed xidhiidhkooda isla markaana ay isku dayeeysay inay kala jabiso.
Vyacheslav ayaa la kulmay xaaskiisii hore Elena, isagoo xabsiga ku jiro kuna xukumnaa inuu dilay nin hore oo uu u shaqeyn jiray oo aan siinin mushaarkiisa.
Elena ayuu la kulmay waxayna sannadkii 2007-dii isku guursadeen isaga oo xabsiga ku jira, sannadkii 2010-kii oo uu xabsiga ka soo baxay ayuuna furay ka dib markii ay isfahmi waayeen.
Galina waxay sheeganeysaa in gabadheeda uu khiyaameyay ninkeeda ugu dambeyntiina guriga ay ka saartay.
Isagoo aan haysan meel uu aado, Vyacheslav waxaa lagu cambaareeyay hoy la’aan, laakiin soddohdiis ayaa u naxariisatay oo gurigeeda gelisay. Waxay qiraysaa inaysan sidaasi u sameynin jacayl ay u qabtay, balse ay ka qoomameysay isaga, laakiin muddo ka dib ay isku soo dhawaanayeen.
Muddo sanado ah, Galina waxay u adkeysan la ayd hadalada xun ee qaraabadeeda ee qaadashada ninkii hore ee gabadheeda, laakiin iyada iyo Vyacheslav ayaa san dhag jalaq u siin waxayna hadda leeyihiin xiriir aad u deggan oo ku saleysan jacayl iyo ixtiraam.
Laba sano ka hor, waxay qorsheynayeen inay cunug wada yeeshaan, oo xitaa waxay ku guuleysteen inay helaan hooyo ku meelgaar ah, laakiin waa la qiyaanay. Haweeneyda ayaa qaadatay hal milyan oo lacagta ruushka ah, oo ay uur yeelatay, laakiin baaritaanka DNA-da ayaa muujiyay in cunugga uusan aheyn midka Galina iyo Vyacheslav.
75 jirtan hawlgabka ah ayaa sheegaysaa in gabadheeda ay had iyo jeer isku dayeyso inay kala jabiso, xitaa ay u soo dirto gabadheeda 30-jirka ah si ay ninkeeda haasaawe ula sameeyso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here