Haweeney dhashay hal saac un ka dib markii ay uur isku aragtay

Uurka dadka bani’aadamka ayaa qaata ila iyo sagaal bilood balse haweeney ku nool dalka Indonesia ayaa lagu arkay arrin la yaab leh ka dib markii ay sheegtay inay dhashay hal saac un ka dib markii ay isku aragtay astaamaha uurka.
Heni Nuraeni oo 30 sanno jir ah kana soo jeeda gobolka Mandalasari ee dalka Indonesia ayaa noqotay mowduuca la hadal hayay dalkeeda markii lagu arkay arrinkaasi waxayna qabsatay cinwaanada warbaahinta.
Haweeynadan oo horrey u dhashay labo caruur ah ayaa hadda heshay wiil waxayna sheegtay in ay dareemin wax astaan ah oo muujinaya uurkeeda.
Heni ayaa tiri “Guriga ayaan joogay caadhi ayaana iska ahaa habeennimadii aan umulay. Si lama filaan ah, waxaan dareemay wax ku dhex socda caloosheyda. Waxaan codsaday in la igeeyo guriga aabaheyga hal saac ka dib nah waan dhalay”.
In kasta oo ay xoogaa cuslaatay ka hor bilihii dhalmadeeda, haweeneyda 30 jirka ah waxa ay sheegtey in aysan la kulmin astaamaha ay qabtay markii ay dhaleeysay labadeeda caruur ee kale.
Waxaa ay heleysay dhiiga caadada bil kasta taasoo dhakhaatiirtu ay ku sababeeyaan isu dheelitir la’aanta hormoonnada.
Balse arrinta la yaabka leh ayaa ah in Heni ay la joogin ninkeeda muddo 19 bilood ah sababo caafimaad ah isla markana aysan jirin cid ay isutageen sida ay hadalka u dhigtay waxaana arrintaasi xaqiijiyay dhakhtar lagu magacaabo Zalkap Drasman oo madax ka ah gobolka Puspahiang.
Dhakhaatiirta ayaa dhankooda sheegay inay san garaneynin waxa ay ku tilmaamaan xaalada qabsatay haweeneyda.
Heni Nuraeni oo la sheegay in muddo hal saac ah ay uur lahayd ayaa dad badan xiiseynayay, iyadoo wariyeyaasha, khubaro caafimaad iyo mas’uuliyiin ka socda Indonesia oo dhami ay booqdeen hooyada yar si ay uga bartaan sheekooyin badan oo ku saabsan umusheeda mucjisada ah.
Dhammaan dareenka iyo mashquulka ayaa si muuqata ugu horseeday culeys badan Heni, qoyskeedana waxay codsadeen noloal qarsoodi ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here