Haweeney lagu tuhmayo argagixisanimo oo la xiray

Waaxda dambi baarsita dalka ee DCI iyo saraakiisha waaxda qaabilsan la dagaalanka argagixisada ee ATPU ayaa gacanta ku soo dhigay haweeney loogu shakiyay argagixisanimo.
Haweeneydan oo lagu magacaabo Tracy Wairimu Ndegwa da’adeeduna tahay 34 sano ayay saraakiisha ka soo qabteen xaafadda Utawala ee magaaladatan Nairobi.
Waaxda dambi baarista dalka ee DCI ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda rasmiga ee twitarka ku sheegtay in haweeneydan labo warqadood oo hanjabaad ah ay uu dirtay madaxa safaarad ku taalla Nairobi taarikhdu marka ay ahayd 31-dii bishii July ee sannadkan.
Waxay ku hanjabtay in dhawaac xooggan loo gaysan donna haweeneyda safaaradda hoggaamiso sido kalena si isdabajoog ah loo kufsan doonno.
Waxay doonaysa in dokumeetiyada la xiriira safarrada loo fududeeyo qof aan magaciisu la shaacin.
Hanjabaadda waxaa ka mid ahayd in waxyaabaha qarxa haweeneydaas loo gelin doono meel ay rumeysan tahay inaynan dhibaato ka soo gaarayn.
23-kii bishii Juun ee sannadkan ayey ahayd markii eedeysanaha la soo taagay maxkamad kaddib markii lagu eedeyey in ay waday qorshooyin ay ku dooneysa in ay ku disho guddomiyaha guud ee waaxda adeegyada maxabiista ee dalka.
Saraakiisha DCI ayaa sheegay in haweeneydani hadda lagu hayo saldhiga booliska oo la horkeeni doono maxakamadda deegaanka Kibera ee Nairobi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here