Haweeney loo haystay inay ninkeeda dishay oo dacwadda iska fogeysay

Sarah Wairimu oo ah haweeney lagu soo oogay dacwad ah inay ninkeeda ka takhalustay ayaa beenisay eedeymaha loo soo jeediyay.
In ka badan hal bil ayay xabsi ku jirtay waxaana loo haystay dilka maalqabeen u dhashay Netherlands oo lagu magacaabo Tob Cohen.
Mrs. Wairimu ayaa ka soo hormuuqatay gorsoore Stellah Mutuku oo sido kale go’aamisay in qareenka haweeneydan u doodaya Philip Murgor uu sii wadi karo inuu wakiil ka ahaado.
Maalmihii la soo dhaafay waxaa maxkamadda hor yaallay kiis looga soo horjeedo in Mr. Murgor uu dacwadda qeyb ka noqdo oo uu matalo qof eedeysane ah.
Kiiskaasi ayaa loo aaneeynayay in qareenka uu horay u ahaa dacwad soo ooge dowladda u shaqeeya.
Balse go’aanka maxkamadda maanta ayaa yimid kaddib markii garyqaanka uu caddeeyay inuu xilli hore iska casilay shaqadii uu dowladda u hayay.
In kastoo Mrs. Wairimu aya maxkamadda ka hor sheegtay inaynan wax dembi ah gaystan haddana saraakiisha waaxda dacwad soo oogidda ayaa ku doodaya in iyadda iyo 20 qof oo kale ay dileen Tob Cohen.
Weli wararka maxkamadda ayaan ku guda jirnaaye , Maxkamad ku taalla ismaamulka Busia ayaa eedeysane ka soo hormuuqday ku xukuntay xabsi daa’in kaddib markii lagu caddeeyay inuu faraxumeeyay gabadh afar sano jir ah.
Ninkan oo lagu magacaabo Habert Ateri Masika ayay da’diisu tahay 52 sano jir.
Waxaa la hor keenay garsoore Samson Temu oo ku caddeeyay in bishii koobaad ee sannadkii hore uu gabadhaasi xadgudub ugu gaystay magaalada Malaba isagoo falkaasi kaddib uga dhex tagay meel duur ah
Maxkamadda ayaa dembigaasi ku tilmaantay mid aad looga xumaado oo bani’aadanimada ka baxsan.
Mr Temu , ayaa sheegay in caddeeymaha ka dhanka ah eedeysanaha ee loo soo gudbiyay ay yihiin kuwo wax ku ool oo aan muran la gelin Karin.
Waxaa maxkamadda loo sheegay in dambiilaha uu gabadha uga digay inay sheegto dhibka uu kula kacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here