Haweeney riyo ku liqday faraantigeeda

Haweeney deggan Mareykanka ayaa qalliin lagu sameeyay si looga soo saaro fargashi ay liqday iyadoo huruda.

Jenna Evans, oo 29 sano jir ah, waxay sheegtay in “iyada iyo ninka ay u doonan tahay, ay saarnaayeen tareen xawaare dheer ku socday, laguna qasbay in ay liqdo fargashiga si aysan uga qaadan “rag xun”.

Markii subixii ay ka soo toostay gurigeeda ayay garatay in ay riyooneysay, balse waxay aragtay in faraantigii dhaymanka ahaa uusan ku jirin farteeda.

Waxay sheegtay in ay xasuusato wixii dhacay, ka dib sharaxaad dheer waxaa cisbitaalka u kexeeyay saaxiibkeeda.

Ms Evans waxaa ku adkaatay in dhaqaatiirta ay arrinta u sharaxdo “sababtoo ah oohin iyo qosol” ayey joojin wayday.

Ka dib markii la saaray raajato, waxaa caloosheeda laga arkay fargashiga, waxayna dhaqatiirta ku taliyeen in laga soo saaro “halkii laga sugi lahaa inuu si dabiici ah u soo dhaco”.

Ms Evans, oo ku nool magaalada San Diego, ayaa saxiixday warqadaha dhimashada, si ay caddeyn u noqdaan haddii ay ka soo toosi waydo dawada suuxinta.

“Si aad ah ayaan u ooyay, sababtoo ah, qof waalan ayaan noqon lahaa haddii aan dhiman lahaa,” ayey tiri. “Muddo aad u dheer ayaan sugayay fargashigaas, waxaana i guursan doono Bobby Howell,” ayey hadalka kusii dartay.

Hannaanka qalliinka wuxuu ku dhammaaday guul. Jenna Evans, waxay sheegtay in ay soo naaxday “iyadoo u ooyeysa si lama filaan ah”.

“Aad ayaan u farxay dhab ahaantii, sababtoo ah ma ogi in aan eegi karo oo sidii hore aan ugu farxi karo,” ayey u sheegtay qeybta wararka ee BBC.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here