Haweeney u dhalatay dalka Belgium oo abid isku maleen jirtay inay tahay dooro

Dhakhaatiirta jaamacada KU Leuven ee dalka Beljam ayaa dhawaan ka warbixiyay arrin la yaab leh oo ku saabsan haweeney 54-jir ah oo lagu qanciyay inay digaag tahay isla markaana si kumeel gaar ah u dhaqmeysay sida mid.
Haweeneyda oo la qabay, oo aan magaceeda la shaacin, ayaa sida la sheegay ka shaqeynesay farmashiye isla markaana aan lahayn taariikh daroogo ama khamri isticmaal ka hor dhacdada layaabka leh.
Maalin maalmaha ka mid ah, walaalkeed ayaa ag istaagay oo helay iyadoo u yeereyso sida digaaga, una dhaqmeysa sidaasi.
Isaga oo aan ogeyn waxa uu sameeyo, walaalkeed haweeneyda ayaa u qaaday isbitaal u dhow, halkaasoo 54-jirtan dhakhtarka uu ku sheegay inay u maleyneyso inay digaag tahay waxana la sheegay inay ka dareemayso lugaheeda dareen cusub.
Dhacdooyinka noocan ah ayaa loo yaqaana zoanthropy – waana cilad maskaxeed oo qofku aaminsan yahay inuu xayawaan yahay – wuxxuna haweeneydu ku dhacay markay suuxday.
Balse dhakhaatiirta ayaa sheegay inay daweeyeen haweeneyda oo hadda xaaladeed caadhi tahay.
Xaaladda jirtay, xiriirka kaliya ee suurtagalka ah wuxuu ahaa niyad-jabka haweeneyda ay u muuqatay inay la il daran tahay ka dib markii ay lumisay xubin reerkeeda ah, laakiin xaaladaas ayaa sidoo kale ku baahday qaraabadeeda kale.
Balse warbixin la daabacay ayaa lagu sheegay in 56 xaaladood oo ah zoanthropy kaliya la helay intii u dhaxeysay 1850 iyo 2012 wuxuuna qofka isku maleeya xayawaan.
Astaamaha zoanthropy-ga ayaa la sheegay inay socon karaan hal saac ilaa dhowr iyo tobannaan sano, kiisaskuna waxay ku badan yihiin meelaha miyiga ah iyo kuwa aan magaalooyinka ku dhaweyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here