Haweeney u dhalatay dalka Vietnam oo aan tiinteeda iska jarin muddo 64 sano ah

Nguyen Thi Dinh, waa haweenay 83 jir ah oo ka soo jeeda Gobolka Ben Tre ee Vietnam, waxaa la sheegay inay joojisay inay timaha iska jarto markii ay jirta 19 sanno, taasoo sharraxday sababta ay cabir ahaan u gaarayaan 6 mitir oo dherer ah una eg sida maska o kale.
Kaddib hal isbuuc oo dalka India lagu arkay nin ay timigiisu dheerarku gaarayaan ilaa iyo 7.3 miitar ayaa waxaa soo shaac baxday haweeney iyanah qabta timahaaasi.
Haweeneyda ayaa sheegtay in markii ugu horreysay oo ay iska jarto timaha ay ahayd da’adedu 19 sanno kadib ay dareentay madax xanuun aad u daran.
Waxaa ay go’aansatay in ay daysato timaha waxaana ilaa iyo muddo 64 sanno ah aysan taaban timaheeda oo ay ka bogsatay madax xanuunka.
Maadaama ay hadda ay tahay qof da’a ah, timaheeda ayaa leh labo nooc oo dhinac ka madow halka dhanka kale ay ciro yihiin.
Timaha Dinh ayaa wali ku sii kordhayaa qiyaas ahaan 10 cm sannadkii, iyo in kasta oo aysan jabin karin rikoorka Guinness ee timaha ugu dheer adduunka, oo dhererkiisu yahay 6.1 mitir, weli waa mid aad u cajiib ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here