Haweeney u dhalatay Hindiya oo ninkeeda ka dalbatay furiin maadaama uu la dagaalin

Dhacd la yaab leh, haweeney Muslimad ah ayaa ninkeeda ka dalbatay furiin sabab la xiriirta inuusan la dagaallamin iyada.
Haweeneyda ayaa tagtay maxkammada Shareecada si loo furo 18 bilood ka dib guurkeedii.
waxay sheegatay in jaceylka uu u qabo ninkeeda uu yahay mid aad u daran.
“Igu ma qayliyaa iimana xanaaqa arrin kasta oo aan sameeyo. Xitaa isagaa wax ii kariyaa wuuna iga caawiyaa fulinta howsha guriga, ”ayay ku tiri maxkamadda.
Waxay intaa raacisay, “Mar alla markii aan qalad galo, mar walba taas waa uu iga cafiyaa. Waxaan doonayay inaan isaga la doodo. Uma baahni nolol uu ninku wax kasta oggol yahay. ”
Xaakimka maxkamadda Shareecada, ayaa diiday codsigeeda furriinka, isagoo ku tilmaamay mid aan macno lahayn.
Markii maxkamadda Shareecada ay diiday inay siiso furitaankeeda, haweeneydu waxay arrinta la aaday maxkammad maxali ah taas oo iyana muujisay sida ay ugu adag tahay inay go’aan ka gaarto arrinta.
Dhanka kale, ninka haweeneyda ayaa sheegay inuu jecel yahay xaaskiisa marwalbana uu doonayo inuu faraxad geliyo.
Sidoo kale wuxuu ka codsaday maxkamada shareecada inay soo celiso kiiska.
Maxkamaddu ayaa hadda ka codsatay lammaanaha inay si iskood ah u xalliyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here