Haweeney xabsiga la dhigay ka dib markii ay gacanta iska gooysay si ay u hesho lacag caymis ah

Gabadh u dhalatay dalka Slovenia ayaa dhawaan lagu xukumay laba sano oo xadhig ah iyada oo lagu eedeeyay in ay gacanta iska goysay si ay u hesho lacag dhan $ 1.2 milyan oo doolar oo caymis ah.
22 jirtan lagu magacaabo Julija Adlesic ayaa la sheegay inay saaxiibkeed iyo aabaheed shirqooleen si ay u helaan oo u uruuriyaan $ 1.2 milyan oo lacagta caymiska ah.
Gabadhan yar ee reer Slovenia waxay ku adkaysanaysaa in dhaawaceeda uu ahaa mid shil ah, oo aysan u sameyn si ku talagal ah, waxayna intaa ku dartay in qof ay maskaxdiisu dagantahay uusan rabin inuu naafo noqdo asaga oo 20 jir ah, xitaa hadii loo ballan qaado dhamaan dhaqaalaha dunida yaala.
Si kastaba ha noqotee, dacwad oogeyaashu waxay bixiyeen caddeyn ku filan oo ah in Adlesic iyo kuwa la shirqoolay ay qorsheeyeen waxa loogu yeeray “shilka” si xukun loogu rido dhammaantood
Julija waxaa lagu xukumay 2 sano oo xabsi ah, saaxiibkeed, oo lagu eedeeyay inuu iyada shirqoolay, waxaa lagu xukumay saddex sano oo xabsi ah, halka haweeneyda aabbaheed lagu xukumay hal sano oo ganaax ah.

“Qofna ma doonayo inuu naafo noqdo. Dhalinyarnimadaydii waa burbureen, waxaan lumiyay gacanteyda aniga oo 20 jir ah, ”ayay tiri Julija Adlesic intii ay socotay maxkamadeyntii dhowaan la soo gabagabeeyay. Aniga kaliya ayaa garanaya sida ay wax u dhaceen” ayey tiri.
Horraantii 2019, Julija Adlesic waxaa loola cararay qolka gargaarka degdegga ah ee isbitaal ku yaal Ljubljana iyada oo uu weheliyo saaxiibkeeda.
Gacanteeda bidix ayaa go’neyd waxayna lammaanuhu ku andacoodeen in si kama ‘ah ay u go’oday iyaga oo laamo ka jaraya gurigooda.
Baarayaasha ayaa ku andacooday in Adlesic iyo saaxiibkeed ay si ula kac ah ugaga tageen gacantii go’oday si loo hubiyo in dhaawaca uu yahay mid joogta ah.
Intii ay socotay dacwada, dacwad oogeyaashu waxay muujiyeen sida Adlesic iyo saaxiibkeed ay ula galeen shan shirkadood caymis sanadkii ka horeeyay shilka, una istaageen inay ka guuleystaan $ 1 milyan oo doolar.
Baadhitaanka ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in lammaanaha ay sameeyeen raadinta internetka ee gacmo aan caadhi ahayn oo la sameeysta , taas oo dacwad oogeyaashu ay tixgeliyeen caddayn dhammaystiran oo ah in shilka dhab ahaantii la qorsheeyay.
Sannadkii 2016-kii haweeney reer Fiitnaam ah ayaa kiraysatay qof ka gooya gacanteeda si ay u hesho caymiskeeda caafimaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here