Haweeney xil looga Magacaabay Maamulka Gobolka Hiiraan

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cali caadle ayaa waxaa uu xilkii ka qaaday Duqii degmada Baladweyne Khadar Xasan Afrax,iyada oo duq Cusub loo Magacaabay degmada Baladweyne.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiirka ayaa waxaa xilka duqa degmada loogu Magacabay Haweeney lagu Magacaabo Safiyo Xasan Sheekh Cali taas oo bedeleysa duqii hore ee degmada Baladweyne Khadar Xasan Afrax.
Haweeneyda loo Magacaabay Duqa degmada Baladweyne Safiya Xasan Sheekh Cali ayaa mar soo noqotay Guddoomiyaha degmada Shibis ee Gobolkaan Banaadir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here