Haweenka Embrace oo baaq ka soo saaray warbixinta laga sugayo BBI

Haweenka hoggaamiyaasha ah ee ka tirsan kooxda siyaasadeed ee la magacbaxday Embrace ayaa sheegay inay doonayaan in warbixinta uu soo saari doono guddiga mideynta iyo dib u heshiisiinta ee BBI lagu tixgeliyo arrimaha dumarka.
Barasaabka ismaamulka Kirinyaga ee gobolka bartamaha dalka Anne Waiguru oo bayaanka warbaahinta u akhrisay ayaa carrabka ku dhufatay inay lagama maarmaan tahay in haweenka ay si buuxda uga dhex muuqdaan maamul cusub hadii la soo dhiso.
Waxay sheegtay in hadii golaha fulinta la ballaariyo, ay doonayaan in haweenka ay xubin sare ku lahadaan.
Xildhibaanadda deegaanka Likoni ee ismaamulka Mombasa Mishi Mboko ayaa dhankeeda sheegtay inay si weyn u sugayaan warbixinta BBI oo wadanka aad looga hadal hayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here