Haweenka sacuudiga oo sharci loo ogolaaday

Xukumadda Sucuudi Carabiya ayaa sheegtay in sharci cusub oo haweenka dalkaas u ogolaanayo inay safri karaan iyagoo uusan la socon qof maxram ah.
Sida ku xusan shariga waxaa uu sidoo kale dhigaya in haweenka Sucuudiga oo ay da’doodu ka sarreyso 21 ay codsan karaan baasaboorka iyagoo maxram la’aan ah.
Sharciga waxaa uu haweenka u fasaxaya inay xaq u leeyihin inay codsan karaan sharciyada dhalashada carruurta, waraqadda guurka.
Sannadkii hore ayay aheyd markii dhaxal sugaha Sucuudiga, Maxamed Bin Salmaan uu meesha ka saaray dhowr xayiraad oo haweenka dalkaasi saarnaa, waxaa kamid ah in haweenka Sucuudiga loo ogolaado inay baabuurta kaxeyn karaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here