Haweenka Soomaaliyeed oo loogu baaqay inay siyaasada ka dhexmuuqdaan.

Wasiirka Wasaarada haweenka iyo xaquuqul insaanka Dowlada fedraalka Soomaaliya Deeqo Yaasiin Xaaji ayaa Haweenka Soomaaliyeed waxay ugu baaqday inay si mug leh uga dhexmuuqdaan siyaasada Soomaaliya maadaama hada dalku ku wajahan yahay xili doorasho.
Deeqa Yasiin Xaaji wasiirka Haweenka Soomaaliya ayaa haweenka ku boorisay inay kaalin weyn ku yeeshaan dadaalada dib u eegista Dastuurka Qabyada ah ee Soomaaliya sidoo kalen ay dib u qoraan ayna daraaseeyaan Taariikhda dumarka Soomaaliyeed oo ah mid umada Soomaaliyeed Bal dahab ah ugu jirta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here