Hay’aada jaajuuska Kuuriyadda Koonfureed oo beenisay in Kim Jong Un uu qalliin galay

Madaxa hay’aada basaaska ee Kuuriyada Koonfureed Suh Hoon ayaa guddiga baarlamaanka wadankaasi ka hor sheegay in ay jirin calaamado muujinaya in hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un uu qalliin galay waxuna beeniyay wararkii ahaa in uu si daran u xanuunsaday.
Wararka xanta ee ah in Kim ay xaaladiisa liidato ayaa bilaabmay kadib markii uu kasoo qayb geli waayay xaflad lagu maamuuso dhalashada aasaasihii Kuuriyada Waqooyi Kim Il-sung oo sido kale ah awoowgii.
Balse waxuu murankan soo gaba gaboobay maalinkii Sabtida kadib markii uu kasoo muuqday warshada bacriminta.
Kuuriyada Koonfureed ayaa digniin kasoo saartay wararka been abuurka ah ee ka dhanka ah xaalada caafimaad ee Kim, waxayna sheegtay inuu jirin dhaqdhaqaaqyo xadka labada wadan.
Madaxa basaaska ayaa sido kale gudiga baarlamaanka ka hor sheegay in Kim uu kasoo muuqan waayay goobaha fagaaraha ay tahay in uu ku dadaalayo arrimaha gudaha iyo saameeynta cudurka COVID-19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here