Hay’aada Laanqayrta Cas ee Kenya Red Cross oo 10,000 oo maaskaro ah ku wareejisay dawladda ismaamulka Garissa

Hay’aada Laanqayrta Cas ee Kenya Red Cross ayaa 10,000 oo ah marada afka lagu xidho ku wareejisay dawladda ismaamulka Garissa.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook-ga ayuu barasabka ismaamulka Garissa Cali Bunow Korane ku sheegay in lagu wareejiyay 10,000 oo ah maaskaro iyo gacma nadiifiye.
Tallaabadan ayaa looga gol leeyahay in lagu xoojiyo dagaalka ka dhanka ah cudurka COVID-19 waxaana loo qaybin doona saraakiisha caafimaadka.
Guddoomiyaha ismaamulkaasi Garissa ayaa uga mahad celiyay hay’aada alaabada ay ugu deeqday waaxda caafimaadka.
Mr. Korane ayaa xusay inay xoojinayaan dadaalka lagu la jiro la dagaallanka coronavirus isla markaana ay ka go’aantahay yaraynta saameeynta ka dhalan karta fayraaska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here