Hay’ada Amnest oo Maraykanka ku eedaysay inay dad Shacab ah duqaymo ku Dileen.

Hay’adda u dooda xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa Ciidamada Mareykanka waxaay ku eedeysay inay duqeymaha ay ka fuliyaan deegaano kamid ah dalka Soomaaliya ay waxyeelo kasoo gaarto dad rayid ah oo aan waxba galabsan.
War ka soo baxay Hay’addaan ayaa lagu sheegay in baaritaano ay sameeyeen lagu ogaaday in saddex qof oo rayid ah lagu diley weerarradii 18-kii Maarso ka dhacay Koonfurta Soomaaliya ayna dadkaasi ahaayeen kuwo aan dambi lahayn, inkastoo Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ay sheegeen in Weerarkaas dadka lagu dilay ahaayeen xag-jiriin ah oo ka tirsanaa Al-Shabaab.
Mareykanka ayaa Sara u qaaday weerarada diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaan “Drones” ay ka fuliyaan Soomaaliya Sanadkaan, weeraradaasoo ka dhan ah waxa uu ku sheegay inay yihiin dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacida, iyo Daacish oo ku sugan Soomaaliya.
Balse Hay’ada Amnesty waxay sheegtay in dadka rayid ah ay ka mid ahaayeen dadka duqaymaha ku dhintay, waxayna sheegeen inay diiwaan galiyeen in ka badan dhowr iyo toban kiis oo ah dad aan waxba galabsan lagu dilay weerarada cirka ee Ciidamada Mareykanku ka fuliyaan Gudaha dalka Soomaaliya.
Kooxda xuquuqda aadanaha ee caalamiga ah ayaa sheegtay in Ciidamada AFRICOM aysan soo bandhigin wax caddeyn ah oo lagu taageerayo qiimeyntooda seddexda qof ee lagu dilay duqeyntii Mareykanka ka fuliyay 18-kii Bishii Maarso ee Sanadkii 2018-kii koonfurta Soomaaliya inay ahaayeen Xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab.
Warbixinta ay soo saartay hay’adda Amnesty International ayaa sidoo kale lagu sheegay in cilmi-baare Soomaaliya u qaabilsan Amnesty uu sheegay in Mareykanka uu u muuqdo mid aan ogeyn cidda duqeymaha dhanka cirka ah ka geysata Soomaaliya.
Ugu dambeyn Hay’ada Amnesty waxay sheegtay inay wareysi la yeelatay 11 qof oo goobjoog ka ahaa weerarkii 18-kii Maarso ee Sanadkii Hore oo ay ku jiraan dad ka mid ah qoysaska dadka la dilay.
Warkaan kasoo Baxay Hay’adda u dooda xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ee lagu eedeeyey duqeymaha uu Mareykanka ka fuliyo Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli Mareykanka duqeymaha uu ka fuliyo Soomaaliya uu ku sheego inuu ku dilo Xubno ka tirsan dagaalameyaasha Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here