Hay’ada Caafimaadka aduunka oo qalab Caafimaad gaadhsiisay Soomaaliya.

Hay’adda Caafimaadka Aduunka ee WHO ayaa waxay maanta Magaalada Muqdisho soo gaadhsiisay Qalabka Baaritaanka Cudurka Coronavirus.
Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa qalabkaan kala wareegay Hay’adda,iyadoo qalabkaan lacagta lagu iibiyey ay Soomaaliya ugu deeqdey Dowladda Talyaaniga.
Munaasabad kooban oo Wasaaradda loogu wareejiyey Qalabkaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Mas’uuliyiinta Wasaaradda,Xubno ka socda Safaaradda Talyaaniga ee Muqdisho iyo Xubno kale.
Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa haatan ku jirtaa sidii looga hortegi lahaa faafida Cudurka Coronavirus oo saacadihii la soo dhaafay kiisas kamid ah laga helay Muqdisho sidoo kalena qofkii ugu horeeyey uu u dhintey.
Wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee dowlada Soomaaliya waxay sidoo kale karaantiishay inta badan shaqaalaheeda kadib markii xubno tirsan cudurkaan laga helay.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada muqdisho ee Caasimada Soomaaliya Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa sheegay in Cudurka Covid 19 uu soo gaarey Soomaaliya,isla markaana ay u dhinteen dad uu yaqaano,kuwaasoo aan dibadda ka imaan.
Waxaa uu sheegay Guddoomiye Cumar Filish in Cudurka Conavirus uu yahay mid halis ah oo si fudud la isku qaadsiin karo,hayeeshee shacabka looga baahan yahay inay yeeshaan feejignaan xoogan oo cudurkaan ku aadan.
Duqa Muqdisho ayaa ugu baaqay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Muqdisho kunool inay xoojiyaan ka hortaga cudurka Covid-19 oo dhibaata adag kuhaya nolasha iyo horumarka Caalamka,dad badana saameeyay maadaama hada lagu arkay dad aan waligood dibad Tagin oo Soomaaliya ku noolaa.

Hadalka guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa kusoo aadayaa xilli shalay la xaqiijiyey in qofkii ugu horeeyey Muqdisho uu Cudurka Coronavius ugu geeriyoodey sidoo kale ilaa 4 Muwaadin oo dalka gudihiisa ku noolaa uu Cudurku Saameeyay aydoo dadka laga helay qaarkood yihiin Saraakiil ka tirsan Wasaarada Caafimaadka Soomaaliya.
Qaar ka mid ah shacabka ku nool Magaalada Muqdisho ayaa dhankooda waxay dareenkooda ka dhiibteen sababta aysan shacabku u qaadanayn Talooyinka Caafimaad ee ay dowladu u soo jeedisay.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir (Cumar Filish) wuxuu dhanka kale maanta dhagax dhigay wajigii 3-xaad ee dhismaha wadada Janaraal Daa’uud oo dhaxmarta Degmooyinka Boondheere iyo Warta Nabada ee Magaalada Muqdisho.
Wadadaan ayaa isku xirta Isgoysyada Boondheere iyo Siinaay waana wado aad u burbursan oo isticmaal keeda ay bulshadu dhibaatooyin kala kulmeen.
Wadadan uu dhagax dhigay Duqa Muqdisho ayaa kamid ah wadooyinka ugu isticmaalka badan Caadimadda Soomaaliya maadama uu ku yaalo Suuqa Weyn ee Siinaay sidoo kalena kulmiso degmooyinka Boondheere, Warta Nabada iyo Yaaqshiid.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay in dib loo soo celiyo bilicdii Magaalada,isla markaana la dhiso wadooyinka muhiimka ah ee caasimada ku yaala.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here