Hay’adada dhaqaalaha aduunka oo bogaadiyay Soomaaliya.

Kulamo ay guddiyada sare ee Baniga adduunka iyo Hay’ada Lacagta aduunka ee IMF yeesheen 12-13-kii bishaan ayey uga doodeen dekumenti ay shaqaalaha bangiga adduunka iyo hay’ada IMF ka diyaariyeen dhaqaalaha Soomaaliya, oo khuseeya hindisaha sare ee dalalka saboolka ah aadkana u deymeysan.
Guddiga sare ayaa soo dhaweeyay dadaalka dowladda Fedraalka Soomaaliya ee lagu hagaajinayo xariirka Soomaaliya iyo hey’adaha deymaha ku leh iyo sidoo kale nadiifinta deymaha, waxayna isku raaceen in qiimeynta la sameeyay ay muhiim u tahay in Soomaaliya laga cafiyo in ka badan US$5.3 billion oo Dollar kana mid ah lacagaha daymaha ah ee lagu leeyahay.
Kulamadii guddiga sare ee Hay’ada IMF ay yeesheen February 12, 2020, Kristalina Georgieva, oo ah agaasimaha maamulka iyo Lacagtaa duunka ayaa caddeysay in Soomaaliya ay kasoo baxday imtixaankii ayna u qalanto in daynta laga cafiyo.
Madaxweynaha kooxda Baniga adduunka, David Malpass ayaa kadib kulanka guddiga sare ee Baniga adduunka oo shalay dhacay waxuu shegay in tillaabo wanaagsan loo qaaday sidii Soomaaliya ay dib ugu anba qaadi lahayd in maaliyad ay ka hesho hey’adaha maaliyadda caalamka, waxuuna Soomaaliya ugu hambalyeeyay dib-u-habeynta ay sameysay, isagoo u mahad celiyay saaxiibada caalamka ee gacanta ka geysay guusha ay dowlada Soomaaliya gaartay iyo dadaaladeeda joogtada ah.
Bangiga Addunka iyo Hay’ada Lacagta aduunka ee IMF ayaa qiray in iyadoo ay jiraan caqabado waaweyn oo ku hor gudbanaa hadana horumar laga sameeyo dadaallada socday, ayna Soomaaliya ku guuleysatay imtixiinkii xilliga dheer ay ugu jirtay nadiifinta deymaha lagu leeyahay, waxayna isku raaceen inay Soomaaliya si guul ah ku gaareyso barta go’aan gaaridda ee dhamaadka bisha Maarso sanadkaan 2020.
Waxay caddeeyeen in gaaridda barta go’aanka ay u baahantahay wadashaqeyn gudaha ah, taageero ka timaada saaxiibada Soomaaliya iyo dhinacyada deymaha ku leh dalka oo si wadajir ah uga qayb qaata qorsha socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here