Hay’adaha Amniga Ee Dowladda Somaaliya Oo Kulan Saacado Qaatay Ka Yeeshay Xaalada Amaan Ee Dalka +Sawirro.

Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) Ayaa Sheegay In Maamulka Iyo Shacabka Gobolka Ay Ka Go’an Tahay Sidii Ay Qeybtooda Uga Qaadan Lahaayeen Qorshe-Yaasha Lagu Dar-Dar Gelinayo Amniga Caasimadda.

Eng. Yarisow Oo Guddoominayey Kulan Ay Ka Wada Qeyb Galeen Wasiirka Amniga Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale, Taliyeyaasha Ciidanka Ammaanka, Guddoomiye Ku Xigeennada Gobolka, Khubaro Ka Socotay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Ayaa Xusay Muhiimadda Ay U Leedahay Wada Shaqeynta Dhinacyada Kala Duwan Ee Ammaanka Iyo Sida Ay Lagama Maarmaan U Tahay In La Dardargeliyo Istiraatiijiyadda Amniga Iyo Dariseynta, Si Looga Hortago Falalka Amnidarro Oo Ay Ugeysanayaan Al-Shabaab.

Guddoomiyaha Gobolka Ayaa Si Gaar Ah Ugula Dar-Daarmay Hay’adaha Amniga In Ay Adkeeyaan Wada Shaqeynta Dhanka Amniga Ee Ay La Leeyihiin Bulshada Degmooyinka, Taas Oo Muhiim U Ah Qorsheyaasha Xasilinta Caasimadda.

“Waxaa Xaqiiq Ah In Weli Ay Jiraan Caqabado Dhinaca Ammaanka Ah Iyo Guulo Wax Ku Ool Ah Oo La Gaaray Muddooyinkii La Soo Dhaafay, Kuwaas Oo Aan La Yareysan Karin, Balse Haddii Aan Sii Xoojinno Dadaalkeenna Iyo Wada Shaqeynta Aan La Leenahay Bulshada Degmooyinka Ay Hubaal Tahay In Lagu Guuleysanayo Xasilinta Caasimadda Oo Laf-Dhabar U Ah Deganaanshaha Guud Ee Dalka.”

Guddoomiyaha Ayaa Sheegay In La Joogteynayo Kulamada La Isku Weydaarsanayo Xoojinta Wada Shaqeynta Amniga, Sidoo Kalena Dadaal Dheer La Gelin Doono Kor U Qaadista Wacyi Gelinta Bulshada Oo Muddooyinkii La Soo Dhaafay Si Huffan Ula Shaqeynayay Ciidamadda Ku Howlan Ammaanka.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here