Hay’adda Amnesty laanteeda Kenya oo bayaan ka soo saartay howlgallo ay booliska sameeyeen

Hay’adda caalamiga ee xuquuqul aadanaha ee Amnesty qeybteeda Kenya ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay aad uga xumaatay jirdil shalay ay ciidamada booliska u gaysteen ardayda jaamacadda JKUAT oo dibadbaxyo dhigayay.
Waxay hay’addu hoosta ka xarriiqay in hal ku dhigga ciidamada ammaanka ee ah ‘Utumishi kwa wote’ oo ay micnaheedu tahay u adeegidda dhammaan bulshada la doonayo inuu noqdo mid micne xambaarsan.
Amnesty ayaa intaasi ku dartay in saraakiisha ammaanka ay shalay xadgudubyo ka gaysteen jaamacadda JKUAT ee deegaanka Juja, ismaamulka Kiambu.
Sido kale waxay xustay in lala wadaagay muuqaallo muujinaya isku dhacyo u dhexeya labada dhinace iyo in booliska ay adeegsadeen rasaas nool iyo jirdil.
Hay’adda waxay soo dhaweysay go’aanka wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiangi iyo abaanduulaha booliska Mr. Hillary Mutyambai ee ku aaddan in muddo 24 saacadood gudahood lagu xisaabtamo ciidamadii lagu caddeeyo inay ardayda ula dhaqmeen si ka baxsan habdhaqanka wanaagsan ee laga doonayo iyo shuruucda dastuuriga ee u degsan ka falcelinta dibadbaxyada.
Amnesty Kenya ayaa maamulka madaxa bannaan ee kormeerka ku sameeya howlaha booliska ee IPOA, Waaxda sida gaarka ah u eegta arrimaha gudaha ee booliska IAU iyo guddiga qaran ee xuquuqul aadanaha ee KNCHR ugu baaqday inay baaritaano madax bannaan guda galaan si tallaabo sharciyeed loo qaado.
Agaasimaha guud ee hay’adda Amnesty International laanteeda Kenya Irũngũ Houghton ayaa bayaanka ku sheegay inay khasab tahay in la soo afjaro awoodda xad dhaafka ee ay ciidamada ammaanka u adeegsadaan shacabka aan hubeysanayn ee dibadbaxyada dhigaya.
Waxaa uu ku nuuxnuuxsaday inay aad u adag tahay in la kala saaro dableyda falal dambiyeedyada gaysta iyo booliska habdhaqan xumada ku kaca siiba marka aynan xirneyn dareeska shaqo.
Mr. Houghton ayaa carrabka ku adkeeyay in sarkaalkii habdhaqan xumo sameeyo in la doonayo in si shakhsi ah tallaabo looga qaado sido kalena magadhow la siiyo dhibanayaasha.
Amnesty waxay soo jeedisay in wax laga beddelo qaabka booliska ay ula dhaqmaan dadka isku soo baxyada iyo mudaaharaadyada sameeya.
Waxay tusaale u soo qaadatay howlgallo la mid ah kuwii shalay oo laga sameeyay jaamacadaha Moi, Maseno, Nairobi iyo Meru oo mid ka mid ah hoggaamiyaasha ardayda lagu toogtay bishii labaad ee sannadkii 2018-kii.
Hay’adda ayaa ugu dambeyn shacabka iyo booliska haya warbixino la xariira dhacdooyinkii shalay ee jaamacadda JKUAT ugu baaqday inay soo gudbiyaan waxyaabihii ay goobjoogga u ahayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here