Hay’adda Amnesty oo eedeyn hor leh u jeedisay militariga Myanmar

Hay’adda caalamiga ee xuquuqul aadanaha ee Amnesty ayaa warbixin ay soo saartay eedeyn hor leh ugu jeedisay ciidamada militariga dalka Myanmar.
Waxaa warbixintu lagu sheegay in saraakiishu ay weli gobolka Rakhine howlgalo ka wadaan.
Bishii sideedaad ee sannadkii 2017-kii ayay ahayd markii in ka badan 730, 000 oo ah xubnaha qowmiyadda laga tirada badan yahay ee Rohingya ay gobolkaasi isaga barakaceen.
Waxay u qaxeen dhanka wadanka dariska la ah ee Bangladesh iyadoo beesha caalamka ay dowladda Myanmar si weyn ugu dhaliishay howlgalada ciidamadeeda difaaca.
Qaramada midoobay ayaa xadgudubyada la gaystay ku tilmaamay isir sifeyn qaabeysan in kasto dowladda Myanmar ay iska fogeysay eedeymaha saraakiisheeda loo soo jeediyay.
Hay’adda Amnesty ayaa golaha ammaanka ee qaramada midoobay u soo jeedisay in xaaladda ka taagan Myanmar uu ku wareejiyo maxkamadda caalamiga ee dembiyada dagaalka ee ICC-da.
Amnesty ayaa sido kale ku talisay in dowladda Myanmar la saaro xayiraad dhanka hubka ah iyo cunaqabateynta saraakiisha sar sare.
Baaritaanada warbixintan laga soo saaray ayaa lagu wareystay dad shacab ah oo tuulooyin iyo qowmiyado kala duwan ka soo jeedo, saraakiisha baniaadanimada, wariyaal iyo dadka u ololeeya arrimaha bulshada.
Hay’addan ayaa sheegtay inay sameysay ilaa 81 wareysiyo ah kaddibna qiimeyn iyo dabagal lagu sameeyay sawiro la soo qaaday.
Eedeymaha loo jeedinayo militariga dalkaasi waxaa ka mid ah inay gaysanayaan dilal sharci darro ah , xabsi geyn aan loo fiirsan , jirdil iyo dad ay kaxeysteen oo la waayay.
Ciidamada Myanmar ayaa warbixinta Amnesty ay sheegeysa inay fuliyeen ilaa ugu yaraan 7 weerar oo ay ku dhinteen 14 qof oo shacab ah halka 29 kalena ay ku dhaawacmeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here