Hay’adda Amnesty oo eedeyn u jeedisay qaar ka mid ah dalalka Afrika

Hay’adda caalamiga ee xuquuqul aadanaha ee Amnesty ayaa sheegtay in qaar ka mid ah wadamada qaaradda Afrika aynan tixgelin xuquuqda hay’adaha u doodo xuquuqul aadanaha .
Qaar ka mid ah hay’adahan ayaa walaac ka muujiyay in cabburin lagu hayo gaar ahaan dhanka madax bannaanida.
Waxaa warbixinta Amnesty lagu xusay in ururada qaar aynan ku shaqeyn jawi wanaagsan.
Golaha fulinta ee midowga Afrika ayaa loo soo jeediyay inuu dabagal sameeyo si loo xaqiijiyo u hoggaansanka dowladaha ee shuruucda la xariirta xuquuqul insaanka .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here