Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO oo ka digtay mawjada labaad ee coronavirus

Madaxa xaaladaha deg-degga ah ee WHO Dr. Mike Ryan

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa ka digtay in wadamada ay u muuqato in uu ka yaraaday fayraska koroona ay la kulmi karaan wajiga labaad ee cudurka haddii ay ku deg degaan khafiifinta tallaabooyinka lagu xakameenayo caabuqa.
Madaxa xaaladaha deg-degga ah ee WHO Dr. Mike Ryan ayaa warbixin kooban ku sheegay in, in kasta oo kiisasku ay hoos u sii dhacayaan dalal badan, haddana ay wali ku sii badanayaan Bartamaha iyo Koonfurta Ameerika, Koonfurta Aasiya iyo Afrika.
Mr. Ryan waxaa uu sheegay in ay jiraan fursado heerar sare ah oo cudurku mar kale uu si dhakhso ah kor ugu kici karo haddii si dhakhso ah loo qaado tallaabooyinka looga hor tagayay mowjadda koowaad.
Dhanka kale Hong Kong ayaa Jimcaha qaadi doonta xayiraadaha saaran ganacsiga ee la xiriira COVID-19, iyada oo wadada u xaareysa in meelaha lagu caweeyo iyo xarumaha kale dib loo furo sida ay sheegatay Madaxa Fulinta Carrie Lam.
Hong Kong ayaa diiwaan gelisay hal kiis oo gudaha ah 4-tii isbuuc ee lasoo dhaafay.
Ruushka ayaa sheegay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay dalkaasi ugu geeriyoodeen COVID -19 ,174 qof waxayna tirada guud ee dhimashada hadda tahay 3,807.
Kiisaska cusub ee dalkaasi laga xaqiijiyay ayaa dhan 8,915 halka wadarta guud ay tahay 362,342.
Spain ayaa ugu baaqday wadamada midowga yurub in ay dejiyaan xeerar guud oo ay ku furaan xuduudaha isla markaana dib u soo celiyaan xorriyadda safarka.
Dowladda dalka Spain ayaa dhanka kale dhintay tirada dadka ee ilaa iyo hadda cudurka covid-19 gudaha wadankaas ugu nafwaayay.
Tiradan ayaa laga dhimay ku dhawaad 2,000.
Tani ayaa timid kaddib markii dib loo eegay macluumaadkii horay loo diiwaangeliyay ee laga soo tabiyay gobollada.
Dowladda ayaa isbeddelka ay tirada ku sameysay u aaneysay in macluumaadka qaar laba mar la diiwaangeliyay halka natiijooyinka qaarna aynan la xiriirin coronavirus.
Maalintii toddobaad oo xiriir ah India ayaa soo tabisay tiradii ugu badneeyd ee fayraaska koroona.
Kiisaska cusub ee la diiwaan geliyay ayaa dhan 6,535 iyo wadarta guud oo ah 145,380 Sido kale dhimashada guud ayaa ah 4,167.
Dalka Brazil waxaa ay tirada guud ee dhimashada gaartay 23,473 ka dib markii la xaqiijiyay 807 dhimasho ah oo cusub.
Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in kiisaska ay gaareen 374,898 ka dib markii la diiwaan geliyay 11,687 hal maalin gudaheeda.
Tiro dhan 3,998 qof ayaa laga helay COVID-19 qaaradda Afrika 24-kii saacadood ee la soo dhaafay, taasoo tirada guud ee kiisaska gaarsiisay 115,346, sida ay shaacisay Xarunta Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada Afrika ee loo yaqaano (CDC).
Guud ahaan caalamka waxaa uu fayraska soo ritay 5.6 milyan oo qof halka ay u dhinteen in ka badan 347,000.
Waxaa ka caafimaaday tiro kor u dhaafaysa 2.2 milyan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here