Hay’adda ChildFund Kenya oo bixisay 64 milyan oo shilin

Hay’adda ChildFund Kenya ayaa lacag cadaan oo dhan 64 milyan oo shilin siisay ilaa 18,480 oo qoysas danyar ah.
Qoysaskan ayaa ku nool 26 ka mid ah ismaamullada dalka.
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah ka falcelinta saameynta ka dhalatay cudurka COVID-19 .
Dhaqaalahan ayaa la doonaya in qoysaska loo qeybiyay ay ku iibsadaan waxyaabah aasaaska u ah nadaafadda sida gacma nadiifiyaha.
Agaasimaha ChildFund ee dalka Chege Ngugi ayaa sheegay in COVID-19 uu culeys ku keenay hab-nololeedka qoysaska guud ahaan caalamka si gaar ahna uu u saameeyay carruurta.
Hay’addan ayaa ka howlgasho 26 ka mid ah dowlad deegaannada wadanka waxayna adeegyadeeda gaaraan in ka badan 1.3 milyan oo qof.
Ismaamulladan ayaa kala ah Nairobi, Kiambu, Murang’a, Kajiado, Narok, Makueni, Machakos, Kitui, Tharaka-Nithi, Embu, Isiolo, Marsabit, Samburu, Turkana, Elgeyo-Marakwet, Baringo, Nakuru, Siaya, Busia, Kisumu, Homa Bay, Migori, Kisii, Nakuru, Nanyuki, Meru, Laikipia iyo Nyeri.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here