Hay’adda Equity Foundation oo qalab gaarsiisay Garissa

Hay’adda tabarucaadda ee Equity Group Foundation ayaa isbitaalka weyn ee ismaamulka Garissa u qeybisay galabka loogu talagalay in dhakhatiirta ay uga badbaadaan cudurka coronavirus ee loo yaqaano ( PPEs).
Waxaa ka mid ah gacma gashi ,afxir iyo labiska ay howlwadeenada ku shaqeyaan.
Alfred Mwangi oo bangiga Equity u qaabilsan maareynta howlaha guud ayaa agabkan dowladda ismaamulka Garissa ku wareejiyay.
Xoghayaha dowlad deegaanka Garissa Cabdi Muxumad Cali ayaa agabkan oo ah ugu yaraan 37,000 guddoomay.
Mr. Cabdi ayaa ka mahadceliyay deeqda la soo gaarsiiyay wuxuuna sheegay inay kaalin weyn ka qaadanayso la tacaalidda cudurka COVID19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here