Hay’adda FAO oo sheegtay in 52 milyan oo qof ay nafaqo darro haysato

Hay’adda cunnada iyo beeraha ee FAO ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay inay sare u sii kacday tirada dadka ee ay saamaysay macluusha ka jirta waqooyiga iyo bariga qaaradda Afrika.
In ka badan 52 milyan oo qof ayaa nafaqo darro wajahaya.
Dadkan badankoodu ama saddex meelood laba meel waxay ku noolyihiin wadamada ay dagaaladu ka jiraan.
Warbixinta FAO waxaa lagu xusay in tan iyo sannadkii 2011-kii ay sii kordheen dagaalada tani oo caqabad ku noqotay la tacaalidda macluusha.
Hay’addan ayaa wadamada kala duwan kula talisay inay xoogga saaraan wax soo saarka beeraha gaar ahana in beeralayda ay suuq u helaan dalagga u soo go’o, xoojinta maalgashiga iyo maarayna kheyraadka biyaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here